
Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose
Howlahaan biyo dhaaminta ah waxaa maalin kasta loo sameeyaa qoysas badan oo ku sugan deegaanka Dhanaane,kuwaas oo la tilmaamay in ay horay uga burbureen ceelashii iyo adeegyadii kale ee fududeynaayey helitaanka biyaha.
Ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Jasiira,ayaa xil iska saaray in maalin kasta ay halkaasi geeyaan booyado biyo ah ,si loo badbaadiyo qoysas badan oo tirsanaya dhibaatooyin ay horay ugu geysteen khawaarijta caadeysatay dhaca dadka raydka ah.
Saraakiisha ciidanka ee hogaaminaya howlgalka la dagaalanka khawaarijta ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in gurmadka biyo dhaaminta ah ee ay u fidinayaan dadka deegaanka ay yihiin kuwo qeyb ka ah waajibaadkooda oo lagu badbaadunaayo shacabka Soomaaliyeed.
"Dadku ma awoodaan in ay bixiyaan nus doolar oo ay ku iibsadaan 20 qaad biyo ah”,sidaasi waxaa yiri qaar kamid ah dadka deegaanka,waxayna codsadeen in loo qodo ceel biyoodyo,isla markaana loo dhiso dugsiyo waxbarasho oo ifiya mustaqbalka carruurtooda.


0 

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose
Ciidanka Xoogga Dalka yaa gurmad biyo Dhaamin ah u sameeyay shacabka ku dhaqan Deegaanka Dhanaane ee duleedka Degmada Marka oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.