Gudoomiye Shuute "Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad"

0
Saturday April 04, 2026 - 13:53:29 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Shuute "Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad"

    Guddoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Ciidamadda Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada federaalka iyo kuwa deegaanada ee K/Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Ciidamadda Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada federaalka iyo kuwa deegaanada ee K/Galbeed.

"Ma jirto cid adkaatay oo sameyn karta wixii ay doonto,mana jirto cid laga adkaaday oo lagu smeyn karo wixii la doono” ayuu yiri guddoomiye Shuute oo la hadlay saraakiisha ciidamada ee hoggaamineysa ciidanka ku sugan Beydhabo.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Ciidamadda Qalabka Sida mar uu ka hadlaayay xaaladda Baydhabo waxa uu sheegay in cid kasta oo qeyb ka noqota fal dambiyeed la horgeyn doono maxkad,isla markaana loo ciqaabayo wixii ay geysteen,isagoo intaa raciyay in sharcigu uu yahay mid loo siman yahay

Gudoomiye Shuute waxa uu ugu faray ciidamada in ay xil iska saaraan sidii looga hortago lahaa isku day kasta oo keeni kara in la sameeyo khalalaaso,aargudsi iyo kicin dadweyne.

Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Magaalada Beydhabo waxaa lagula dardaarmay in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan soo celinta xasiloonida Magaalada Beydhabo.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip