Wasiiru Dowlaha Caddaaladda XFS iyo Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta oo kormeeray xarunta taliska asluubta
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo uu la socdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta ayaa booqday xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiintaasi ayaa mudadii ay joogeen xarunta ciidanka asluubta salaan sharaf ka qaatay saraakiisha ciidanka,iyagoo sidoo kale dhageystay warbixin ku aadan xaaladda ciidanka iyo howlaha kale ee ay u hayaan umadda.
Booqashada wasiirka iyo taliyaha ayaa ku saabsaneyd la socodka nidaamka shaqo ee taliska iyo sida ugu habboon ee loo dardargalin karo howlaha kala duwan ee ay u xilsaaran yihiin ciidanka asluubta.
wararka ayaa intaa ku daraya in booqashada mas’uuliyiintaasi ay dhinac socotay kulan isbarasho ah oo khuseeyay Taliyaha cusub iyo Ciidanka Asluubta

0 