Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqday Markab dagaal oo laga leeyahay Turkiga kaas oo yimid Muqdisho.

0
Wednesday February 11, 2026 - 16:43:09 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqday Markab dagaal oo laga leeyahay Turkiga kaas oo yimid Muqdisho.

    Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday markabka TCG SANCAKTAR, oo ka mid ah maraakiibta dagaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday markabka TCG SANCAKTAR, oo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Ciidamada Badda Turkiga ee soo gaaray magaalada Muqdisho.

Booqashadan iyo soo-dhaweynta maraakiibta dagaalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha, tayeynta, iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha (CXD), si loo xoojiyo amniga badda loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara marinnada badda.

Wasiiru-Dowlaha iyo Taliyaha CXD waxaa ku wehliyay booqashada Wasiiru-Dowlaha Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Taliyaha CXD, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD iyo kuwa Turkiga.

Booqashadani waxay muujinaysaa iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga badda iyo horumarinta awooda Ciidanka Badda Soomaaliyeed.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip