Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka

0
Tuesday February 03, 2026 - 23:22:53 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka

    Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen guddi heer qaran ah oo dhowaan uu magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen guddi heer qaran ah oo dhowaan uu magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, kuwaas oo ka shaqeynaya arrimaha la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka.

Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka, iyo xoojinta iskaashiga hey’adaha dowladda ee ku hawlan arrimahan.

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip