Dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeelaha dhexe

0
Tuesday February 03, 2026 - 23:21:35 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 16
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeelaha dhexe

    Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay ilaa toddobo (7) dhagar-qabe oo ka ti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay ilaa toddobo (7) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, iyada oo sidoo kale weerarkaas lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa Khawaarijta.

Hawlgalkan oo la fuliyay xalay gelinkii dambe ayaa daba socday howlgalkii maalmo ka hor lagu bartilmaameedsaday koox Horjoogeyaal ah oo ku shirayay guri ku yaalay deegaanka Maxaa Saciid ee isla Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu soo afjaray nolosha ilaa shan Horjooge halka seddax kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay.

Markale, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip