Ciidanka Xoogga oo burburiyay fariisimo ay khawaarijta ku lahaayeen Sh/Dhexe

0
Thursday January 29, 2026 - 13:39:08 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga oo burburiyay fariisimo ay khawaarijta ku lahaayeen Sh/Dhexe

    Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul ka gaaray howlgal amni oo ka dhacay duleedka deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay gacanta ku dhigeen keyd miinooyin ah oo ay halkaas ku lahaayeen malee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul ka gaaray howlgal amni oo ka dhacay duleedka deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay gacanta ku dhigeen keyd miinooyin ah oo ay halkaas ku lahaayeen maleeshiyaadka Khawaariijta.
Howlgalkan, oo ka mid ah howlgallo horey u socday isla markaana ku saleysnaa xog sirdoon oo sugan, ayaa lagu ogaaday goob si qarsoodi ah loogu keydinayay miinooyin iyo walxo qarxa. Walxahan ayaa Khawaariijtu u adeegsan jirtay khatar-gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka.
Ururka 161-aad guutadda 16-aad ee Kumaandooska XDS ee Danab ayaa si buuxda u sugey aagga, iyaga oo hubiyey in aanay jirin wax khatar ah oo ka iman kara walxaha qarxa, waxaana la bilaabay tallaabooyin lagu burburinayo keydka miinooyinka, iyadoo la raacayo habraacyada amniga ee la dejiyay.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ah in ay sii wadaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaariijta, laguna xaqiijinayo amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip