Taliyaha CXDS oo Shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka EASF

0
Tuesday December 16, 2025 - 21:48:12 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 16
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha CXDS oo Shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka EASF

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Caadiga ah ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka ee Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ka socda magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Caadiga ah ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka ee Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ka socda magaalada Muqdisho.
Kulankan, oo ay ka qaybgalayaan taliyeyaasha ciidamada waddamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa diiradda saaraya muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado amniga gobolka, maadaama nabadda gobolku ay tahay mid isku xiran, loona baahan yahay iskaashi joogto ah.
Taliye Odawaa ayaa tilmaamay in shirkan, oo markii labaad lagu qabanayo Soomaaliya, uu caddeyn u yahay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada ilaalinta amniga gobolka, isla markaana amniga waddan kasta oo ka mid ah gobolka uu yahay tiir muhiim u ah xoojinta nabadgelyada Geeska Afrika.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip