Wasiir Fiqi oo dhigiisa Yeman kula kulmay Masar

0
Wednesday December 03, 2025 - 22:40:45 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi oo dhigiisa Yeman kula kulmay Masar

    Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Yemen Jeneraal Mohsen Maxamed Axmed Al-Daacari ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo ay wehel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Yemen Jeneraal Mohsen Maxamed Axmed Al-Daacari ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo ay wehelinayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo Saraakiil kale.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga difaaca ee labada dal, adkeynta amniga marin-badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, iyo kahortagga qulqulka hubka sharci-darrada ah ee kooxaha argagixisada ay ka helaan marin-biyoodka, si loo xakameeyo dhammaan noocyada hubka iyo dhaqdhaqaaqyada khatarta ku ah amniga gobolka iyo kan caalamka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip