Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo Galgaduud lagu dilay

0
Tuesday November 25, 2025 - 20:08:20 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo Galgaduud lagu dilay

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Deegaanka ayaa xalay fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Deegaanka ayaa xalay fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Hawlgalka oo loo diyaariyay loona fuliyay si qorshaysan ayaa lagu qaarijiyey horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta laguna magacaabi jiray Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kana mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo door ku lahaa isku-duwidda dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka iyo qaraxyada ay Khawaarijtu ka fulin jireen gobollada Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka waxay bogaadinayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ciidanka, waxayna mar kale caddeynayaan in howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ay si joogto ah u socon doonaan illa laga ciribtiro haraadiga cadowga ummadda Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip