Madaxweynaha JFS oo daah-furay shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

0
Monday November 24, 2025 - 14:56:28 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha JFS oo daah-furay shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah-furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah-furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay ahmiyadda ay culimada u leeyihiin dowlad-dhiska, baraarujinta bulshada iyo ka hortagga dhibaatooyinka maandooriyaha ee dalka ka jira.

"Dadkeenna waxaan dhibaato ku haya Maan-dooriye,Dowladda dagaal adag ayey la gashay kuwa ka ganacsada,culumida waxaa looga fadhiyaa inay ku soo baxaan.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka hadlay qorshaha dowladda ee horumarinta iyo karaamaynta macallimiinta iyo dugsiyada Qur’aanka, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay kor u qaadista adeegyada iyo taageerada lagu dhiirrigelinayo macallimiinta.

"Horumarinta iyo karaamaynta macallimiinta iyo dugsiyada Qur’aanka qorshe ballaaran ayay dowladeydu ka leedahay,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay culimada doorka ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, isagoo ku boorriyay in si gaar ah bulshada loogu baraarujiyo ahmiyadda soonka, salaadda iyo gaar ahaan Zakada, maadaama ay tahay tiir muhiim u ah isku-duubnida bulshada.

Shirkan oo sanadkii 3aad la qabanayo, ayaa sanadkan diiradda lagu saarayo midnimada shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka qeybgalaya ku dhawaad saddex boqol oo ah culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka, madax ka tirsan dowladda iyo marti-sharaf kale oo muhiim ah.

     




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip