Ciidamadda Danab iyo Jubbaland oo Shacabka Buulo-Xaaji la Wadaagay Wacyigelin Ku Saabsan Amniga iyo Nabadda
Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa kulan wacyigelin ah la yeeshay shacabka ku dhaqan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.
Kulanka oo si heer sare ah loo agaasimay, waxaa ka qeybgalay Taliyaha Guutada Birjeex ee Ciidanka Jubbaland, G/Sare Nuur Cabdi Maxamed (Nuur Ilkacase), iyo Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab, Caarif Hire Salaad.
Taliyeyaasha ayaa bulshada ku booriyay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si loo ciribtiro cadowga loona sugo nabad waarta. Waxay cadeeyeen in amniga deegaanka uu yahay masuuliyad guud oo cid walba ka saaran tahay, iyagoo shacabka ku dhiirrigeliyay inay si degdeg ah u soo sheegaan cid kasta oo falal amni darro ah ka shaqeynaysa.