TALIYAHA CUSUB EE QEYBTA 60AAD OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA BAYDHABO
Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha cusub ee Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Yariis, ayaa maanta si rasmi ah u soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiisha qeybta 60aad, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo xubno kale oo muhiim ah. Cutubyo ka tirsan ciidanka ayaa halkaasi kusiiyay salaan sharaf, taasoo muujineysa qadarin iyo soo dhoweyn rasmi ah.
Kadib soo dhoweynta garoonka, Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa si rasmi ah loogu galbiyey Xarunta Taliska Qeybta 60aad, halkaas oo uu si gaar ah ugu soo dhaweeyay Taliyihii hore ee qeybta, Jeneraal Xasan Baydhabo.
Munaasabadda soo dhoweynta waxaa hadallo ka jeediyey Taliye-kuxigeenka qeybta 60aad, Gaashaanle Dhexe Cali Xabad, iyo Jeneraal Xasan Baydhabo, kuwaas oo ku bogaadiyey Taliyaha cusub xilka uu la wareegayo, iyagoo muujiyey kalsooni buuxda in uu horumarin doono howlaha qeybta.
Dhankiisa, Taliyaha cusub ee Qeybta 60aad, Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Yariis, ayaa u mahadceliyey saraakiisha iyo masuuliyiintii soo dhoweysay, isagoo balan qaaday inuu si daacadnimo iyo karti leh uga shaqeyn doono difaaca dalka iyo horumarinta tayada Qeybta 60aad.