Wasiirka Gaashaandhigga oo Daahfuray Gaadiid iyo Agabkale oo Lagu Wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka

0
Wednesday June 25, 2025 - 17:23:22 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo Daahfuray Gaadiid iyo Agabkale oo Lagu Wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xaadiray munaasabad lagu daahfurayay shaqooyin Laga qabtay xerada tababarka ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xaadiray munaasabad lagu daahfurayay shaqooyin Laga qabtay xerada tababarka ciidamada
 ee Dhagabadan iyo gaadiid Ciidan oo ay ku deeqeen Midowga Yurub, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa munaasabaddda joogay wafdi heer sare ah oo ka yimid xarinta midowga Yurub ee Brussels oo uu hogaaminayey Agaasimaha Adeegga Dhaqaalaha Dibadda Afrika ee Midowga Yurub, Mudane Jonas Jonsson iyo sidoo safiirka ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Karin Johansson. yo sidoo kale taliye ku xigeenka ciidamada XDS.
Munaasabad kooban oo ka dhacday Dugsiga Tababarka ciidamada ee Dhagabadan ayaa Wasiirku uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo Iskaashiga qotoda dheer ee Kala dhexeeya, isagoo xusay in Taageeradan ay kusoo beegantay xilli ciidamadu ay ku jiraan dagaal toos ah oo lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo xasilinta deegaanadii la xoreeyay.


 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip