DEG DEG: Horjoogihii ugu halista badnaa Khawaarijta ee gobollada Galmudug iyo Hirshabeelle oo lagu dilay howlgal qorsheysan

0
Saturday June 07, 2025 - 19:06:07 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Horjoogihii ugu halista badnaa Khawaarijta ee gobollada Galmudug iyo Hirshabeelle oo lagu dilay howlgal qorsheysan

    Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday geerida horjoogihii Khawaarijta ee gobollada dhexe ee dalka, Mudug,Galguduud, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Nuur Cabdi Rooble (Nuunuulle), kaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday geerida horjoogihii Khawaarijta ee gobollada dhexe ee dalka, Mudug,Galguduud, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Nuur Cabdi Rooble (Nuunuulle), kaasi oo si weyn looga daba joogay muddooyinkii dambe.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in horjooge Nuunuulle lagu dhaawacay weerar qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, kaasoo ka dhacay shalay deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan. Nuunuulle ayaa dhaawac culus uga gaaray weerarkaas, waxaana loo  qaaday degmada Ceel Buur, halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in weerar dhabagal ah oo ay fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka lagu dilay horjoogayaal kale oo sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, iyo maleeshiyaad kor u dhaafaya 40 horjoogayaasha weerearka dhabagalka ah lagu dilay ayaa waxeey isugu jireen madaxa katibaadka, kuwa gaadiidka iyo kuwa u qaabilsanaa weerarada:


1. Xerow – Horjoogihii katibaadka.


2. Cadow – Horjoogihii Sariyada.


3. Qudama – Horjoogihii Sariyada.


4. Anas Dheere – Horjoogihii gaadiidka.



Wasiir Axmed Fiqi wuxuu bogaadiyay guulaha ay gaareen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee geesiyaasha ah. Waxa uu sheegay in howlgalladan qorsheysan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta dalka, loogana xoreynayo meel kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuuntaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip