
Maalinta koowaad ee Ciidda, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Nisa ayaa fuliyay howlgal qorshaysan oo ka dhacay tuulada Mushaani ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaas waxaa si wadajir ah u hoggaaminayay Taliyaha Nabadsugidda degmada Marka, Gaashaanle Sare Maxamed Shiiq, Guddoomiyaha deegaanka Janaale Mudane Cabdiraxmaan Al-Cadaala, iyo Taliyaha Ururka 144-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Dhamme Mocow.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd xoojinta amniga deegaannada ku dhow dhow Janaale, ciribtirka khataraha nabad-diidka, iyo xaqiijinta nabadda maalmaha ciidda.
Ciidamada ayaa shacabka Mushaani waxeey la qeybshadeen faraxada munaasabadda ciida iyagoona shacabka degaanka u muujiyay in dowladdu ka go'an tahay difaaca shacabka iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.


0 

Maalinta koowaad ee Ciidda, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Nisa ayaa fuliyay howlgal qorshaysan oo ka dhacay tuulada Mushaani ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaas waxaa si wadajir ah u hoggaaminayay Taliyaha Nabadsugidda degmada Marka, Gaashaanle Sare Maxamed Shiiq, Guddoomiyaha deegaanka Janaale Mudane Cabdiraxmaan Al-Cadaala, iyo Taliyaha Ururka 144-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Dhamme Mocow. U