Sanadguurada 55aad ee Ciidanka XDS oo la xusay-SAWIRRO

0
Thursday April 16, 2015 - 13:23:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanadguurada 55aad ee Ciidanka XDS oo la xusay-SAWIRRO

    SANADGUURADA 55aad ee XDS

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SANADGUURADA 55aad ee XDS

Munaasabado lagu xusayay sanadguurada 55 aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed  ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro, Xildhibaan, saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ururada Haweenka qaar  ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Difaaca oo ku taala magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga ayaa salaan sharaf siiyay mas’uuliyiinta munaasabadda ka qeybgashay oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan, iyadoona Ciidamada qeybahooda kala duwan gaari ka cayaar qurux badan goobta ay ku soo bandhigeen.

Sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay gaadiidka ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka oo noocyo kala duwan isugu jira kuwaas oo ay kamid yihiin gawaarida lagu daabulo Ciidanka.

Fanaaniinta Kooxda Horseed ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa munaasabad ka qeyb qaadanayay ayagoo Heeso iyo Ruwaayado ka hadlaya ahmiyadda Ciidanka Xooga uu dalka u leeyahay.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay intii munaasabadda ay socotay iyadoo Ciidamo la dhigay wadooyinka waa weyn ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale Munaasabad lagu xusayay maalinta 12 Abriil ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud gaar ahaan xerdada 21 aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed waxaana ka qeybgalay Mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiisha Ciidanka Xooga iyadoo Ciidamada gaardi ka ciyaar halkaasi ku soo bandhigeen.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu maamusayay 55 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya waxaana munaasabadaasi ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwo ka socda maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Munaasabad lagu weynayayay sanadguuradii 55 aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo ku beegan 12 Abriil ayaa sidoo kale maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo dadweyne aad u badan oo ku nool magaaladaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip