Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay Galgaduud.

0
Sunday June 20, 2021 - 13:00:30 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay Galgaduud.

    Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qasaara ba'an gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, kadib howl-gallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanno ay ka mid tahay tuulada Orshe oo 50 k-m dhanka bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qasaara ba'an gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, kadib howl-gallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanno ay ka mid tahay tuulada Orshe oo 50 k-m dhanka bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka G/sare Cali Xaashi Cabdulaahi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay inay  meydad badan  ay ka carareen Argagixisadu, islamarkaasna halkaas lagaga  furtay Al-Shabaab saanad ciidan iyo agab kale.

Ciidanka xoogga dalka oo haatan ku sugan goobihii ay howl-galladu ka sameeyeen ayaa waxay wadaan baaritaanno dheeri ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka degaannadii laga eryay kooxda Al-shabaab.

Kooxda Argagixisada Al-shabaab ayaa degaannadaasi iyo dhulka miyiga ah ee ku hareereysan ka geysan jirtay gabbood fallo kala duwan, iyagoo dadka reer guuraaga ah ka dhici jiray xoolaha ay dhaqdaan, sidoo kalena ka qaadanayay dalagyada ay tacbadaan iyo lacag ay ku sheegaan sakawaad.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip