Ciidanka Xoogga dalka oo Gobolka Shabeellaha Hoose ku gubay Gaari siday Qarax.

0
Friday April 30, 2021 - 13:36:36 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga dalka oo Gobolka Shabeellaha Hoose ku gubay Gaari siday Qarax.

    Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Danab iyo Ciidamadda Amisom ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ku gubay Gaari Qarax siday oo kooxaha nabadiidka al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Danab iyo Ciidamadda Amisom ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ku gubay Gaari Qarax siday oo kooxaha nabadiidka al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka oo dhacay saaka aroornimadii hore ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa in lagu bur buriyo dhagaraha cadawgu uu u maleegayo shacabka Soomaaliyeed isla markaana waxaa ciidanku cagta mariyey fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen maleyshiyaadka argagixisada.

 

dhinaca kale.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan kasameeyay degaanada Mubaarak, Daarusalaam, iyo Isoo-mareey oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose
ujeedka Howlgalka ayaa ahaa bur-burinta meelaha ay ku dhuuntaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab iyo meelaha ay kudiyaariyaan qaraxyada ay kudhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabaka Sida u sheegay Taliyaha Ciidanak Xoogga Dalka Jeneraal Odowa Yusuf Raage.


Muhiimada howlgalka ayaa ahaa in gabi ahaamba Cadowga laga ciribtiro Degaanada hoostaga Degmada Awdhegle ee Gobalka Sh/hoose.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip