Madaxweyneha dalka oo caawa la hadlay dhallinyarada gobolka Banaadir "SAWIRRO"

0
Wednesday May 27, 2015 - 13:33:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyneha dalka oo caawa la hadlay dhallinyarada gobolka Banaadir "SAWIRRO"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa caawa dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir kala hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdsiho, taas oo u jeedkeedu ahaa in Madaxweynaha dalka uu ku bogaadiyo doorka ay dalka horumarkiisa ku leeyihiin dhallinyarada.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, , Wasiirro, Xildhibaanno, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo dhalinyarada gobolka, waxaana munaasabadda lagu soo bandhigay suugaan iyo Riwaayado ka hadlaya waddanka iyo doorka muuqda ee kaalinta Nabadda ee Dhalinyarada Gobolka banaadir

Guddoomiyaha Ururka dhalinyarada G/banaadir C/kaafi Maxamuud  Makaran ayaa sheegay in Dhallinyarada Soomaliyeed gaar ahana kuwa Gobolka banaadir ay qaadanayaan Kaalintooda soona ceshanayaan magacooda iyo maqaamka ay leeyihiin dalka, maadaama wadanka ay samata bixiyen dhallinyaro ka kooban 13 oo aas aasay ururkii gobonimo doonka ee ( SYL)

Guddoomiyaha G/banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Mudane Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab” ayaa dhallinyarada ku ammaanay kaalinta ay kasoo qaateen Nabadda iyo Samata bixinta wadanka, wuxuuna  shegay in hadii dhalinyaradu is raacdo la gaari karo hormar, deganaansho iyo kala dambeyn saldhig u noqoto amni waara, maadaama ay UGUS dhallinyarada sidii xaabo oo kale dabka ku shitaan, Maamulka G/banaadirna wuxuu u taagan yahay in Mudane Madaxweyne ay qaataan Kaalintoda.

"Mudane Madaxweyne dhallinyaradu waxa aay kaga mahadcelinyaan sida mar waliba aad u tixgaliso in dalka hogaankiisa ay ku soo biiraan xooggag dhallinyaro oo ah dhiig cusub oo la saan qadaya siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xukuumadda, degmooyinka gobollada iyo dhamaan hay’adaha dowliga ah  ah ee dalka, ayadoo la ogsoonyahay in dhaqankaas aanu hore ugu jirin dalka Soomaliya, talaaboyinka dhiragalinta dhallinyarada ay bilaawdeen markii adiga laguu doortey inaad noqoto Madaxweynaha Wadanka Soomaliya sanadkii 2012kii” ayuu yiri "Muungaab”.

Gudoomiye Muungaab ayaa sidoo kale ku booriyey dhallinyarada G/banaadir in ay ka qeyb qaataan sugitaanka ammaanka iyo Horumarka wadanka waxana loo Baahanyahay ayuu yiri in aad gacmaha is qabsataan oo aad meel uga soo wada jeesataan cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la sameeyo nidaam siyaasadeed oo ku saleysan mustaqbalka dalka, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dalka  gaarsiiyo doorashooyin dhalinyaradana hormuud ayeey ka yihiin, ayuu yiri madaxweynaha.

"Doorashada iyo tallada kuma ekaan doonto Muqdisho oo dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa wax ku leh, masuuliyaddaasna waxaa iska leh guddiga loo magcaabay arrintaas haddii uu shaqeeyo, maamullada kmg ah ee mustaqbalka noqon doona dowlad goboleedyada waxey ka mid yihiin kaabayaasha siyaasadda ee dhismaya” ayuu sheegay madaxweynaha dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa yiri "Qabiil Ajende siyaasadeed yeelan kara ma jiro, waxaan u baahanahay xisbiyo siyaasadeed, aan wada hagaajinno siyaasadda dalka, doorashooyin kala duwan oo  guud ayaana dhici doona, dalkeenna fursad weyn ayuu leeyahay, waayo kheyraadka adduunka ugu fiican ayaan heysanaa, bada, beero, iyo dhul weyn ayaan leenahay aan ka faa’ideysanno nimcooyinkaas, dalalka meesha ay adduunka ugayaallaan waa Dhaqaale, annagana waan heysannaa fursaddaas oo kale”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in dowladda ay ku gacan siiyaan amniga iyo xasiloonida siyaasadda, waxa uu intaa raaciyey madaxweynaha dalka, "Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dadaaleysaa soo kabashada Dhaqaalaha iyo shaqo abuurista dadka, si amni loo helana waa lagama maarmaan arrimahaas, waxa ayna nooga baahan yihiin shaqooyinkaas oo dhan amni, dhalinyarada qodobbadaas door weyn ayeey ku leeyihiin, arrimahaas ha lagu baraarugsanaado” ayuu raaciyey madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in maanta ay  tahay maalinta dhallinyarada laga faa’ideysan lahaa, waxa uu madaxweynuhu yiri "dalka dhallinyarada ayuu sugayaa, dalka waa inaad mustaqbalkiisa ka qeyb-gashaan ballanteenu waa inaan xumaanta ka foggaanaa, dalka horumar ayuu ku socdaa”.

"Dhallinyarada gobolka Banaadir, waa muraayaddii caasimaddii, howlaha waa weyn ayaa soo socda shirar caalami ah ayaana ka dhici doona, dhowaan shir aad iyo weyn oo madaxda caalamka qaarkood ay ka soo qeyb-geli doonaan ayaa ka dhici doona, magaalada Muqdisho waxey ka mid taha magaalooyinka adduunka ee la isugu yimaado lagan tashado, UGUS looma istaago Soomaaliya wey socotaa, laakin waa inaan ka hortagnaa cadowga, nabadda dadaalka dhallinyarada ayaa lagu helay waana ku ammaanayaa, aan u istaagno inaan Al-Shabaab meel uga soo wada jeesanno” ayuu yiri madaxweynaha dalka.

"Waalidiinta Soomaaliyeed haka shaqeeyaan in aan wiilasheenna kala soo laabanno argagixisada dowladda wey soo dhoweyn doontaa, UGUS waa la iska tallaali karaa, mashruuca tallaalka UGUS waa wacyigelin waana muhiim, dhalinyaro dalka Soomaaliyeed nabaddiisa hormuud u noqda, laba Milyan oo Soomaali ah oo qaxootinimo nooga maqan ayaa noo  baahan, dadkaasna waxa ay u baahan yihiin nabadda, ballanteenu waa amniga dalka iyo horumarka inaan ka wada shaqeynno”.

IMG_2141IMG_2144IMG_2147IMG_2151IMG_2153IMG_2155IMG_2164IMG_2166IMG_2170IMG_2171IMG_2172IMG_2177IMG_2179IMG_2180IMG_2183  IMG_2189IMG_2196IMG_2202IMG_2204IMG_2206IMG_2208IMG_2211IMG_2213IMG_2217IMG_2218IMG_2219IMG_2228IMG_2230IMG_2233IMG_2234IMG_2246IMG_2249IMG_2251IMG_2259IMG_2264IMG_2265IMG_2267IMG_2273IMG_2274IMG_2288IMG_2297IMG_2312IMG_2316IMG_2319




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip