Madaxweynaha oo min hal darajo dalacsiiyay ururka labaad ee guutada 5 aad

0
Tuesday May 26, 2015 - 17:02:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo min hal darajo dalacsiiyay ururka labaad ee guutada 5 aad

    Kadib kormeer uu maanta Madaxweynaha dowladda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiirka Gaashaandhigga Janaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga gudaha Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed iyo saraakiil kale ayaa ku tageen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kormeer uu maanta Madaxweynaha dowladda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiirka Gaashaandhigga Janaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga gudaha Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed iyo saraakiil kale ayaa ku tageen fadhiisamada ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha markii uu halkaasi gaaray waxaa uu min hal darajo dalacsiiyay ururka labaad ee guutada 5 aad ee ciidanka xooga dalka waxaana ay ku muteysteen guushii ay dhowaan ka soo hoyeen dagaaladii ka dhacay deegaanada Mubaarak iyo Awdheegle oo ay la galeen kooxda Al-shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka meelaha oo maanta kormeerey ayaa waxaa kamid ah deegaanada Mubaarak, Awdheegle iyo goobo kale.

Iyadoo u jeedada kormeerka madaxweynaha ay aheyd dhiirigelinta ciidanka xooga dalka oo dalka ka wada dadaalo kooxda UGUS looga sifeynaayo guud ahaan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka oo askarta goobahaasi kula hadlay ayaa waxaa uu si aad ah u amaanay howsha ay hayaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ciidanka.

Madaxweynaha ayaa goobaha uu maanta kormeerey waxaa kamid ahaa deegaanka Muuri iyo Xerada Laanta-Buuro oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda si deg deg ah uga jawaabi doonto baahida lagama maarmaanka ah oo ku saabsan ciidanka gaar ahaan xoogga dalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip