Shacabka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Yemen oo Markab soo daabulo loogu deeqay.

0
Monday May 25, 2015 - 17:28:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Yemen oo Markab soo daabulo loogu deeqay.

    Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan Dalka Yemen oo Dagaal uu ka soconayo ayaa maanta waxaa Ganacsade Soomaaliyeed uu ugu deeqay Markab lagu soo daabuli doono Qaxootigaasi, isagoo u mariyay Gudiga bad baadinta & samata bixinta Soomaalida ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan Dalka Yemen oo Dagaal uu ka soconayo ayaa maanta waxaa Ganacsade Soomaaliyeed uu ugu deeqay Markab lagu soo daabuli doono Qaxootigaasi, isagoo u mariyay Gudiga bad baadinta & samata bixinta Soomaalida ku dhibaateysan YEMEN,

Ganacsadaha ayaa lagu Magacaabaa Cabdi Cali Faarax,waxaana uu sheegay in uu ku Tabarucay Qaxootiga Yemen jooga Markab ay Naftooda kula soo baxsadaan,isagoo Guddiga u sheegay in Markabkaan uu Yemen tagi doono Shan maalin kadib,kaas oo halkaa Qaxootiga ka soo qadaya.

Guddoomiyaha Guddiga Sheikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa Umahad celiyay Ganacsadaha Kaalinta weyn ka qaatay Gargaarka loo fidinayo Walaalaha Soomaaliyeed,waxaana Sheikh Nuur uu Ganacsatada kale ugu baaqay in ay Garab istaagaan Dadka Wadanka Yemen ku dhibaateeysan.

Dhanka kale Waxaa Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo Samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed uu Codsaday in Lacagihii lagu yaboohay Deg deg loo bixiyo,maadaama loo baahan yahay Wax qabad



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip