Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisulwasaaraha Itoobiya oo kulan muhiim ah ku yeeshay Villa Somalia

0
Thursday February 27, 2025 - 17:22:19 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisulwasaaraha Itoobiya oo kulan muhiim ah ku yeeshay Villa Somalia

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan gaar ah kula yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan gaar ah kula yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid dalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faragelinta arrimaha gudaha dal kasta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ethiopia ayaa wadajir usoo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyay sida ay labada dal uga go’antahay wadahadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey mudnaanta uu dalkiisu siinayo xiriirka labo-geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, si ka tarjumaysa danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed booqashada uu ku yimid dalka iyo wadahadallada mirodhalka ah ee ay ku yeesheen Villa Soomaaliya ayaa ku celiyey aragtida soo jireenka ah ee ay ku dhisantahay diblomaasiyadda Soomaaliya ee ilaalinta daris wanaagga, is-ixtiraamka qarannimo iyo in aan cidna laga aqbalayn ku xadgudubka midnimada iyo wadajirka shacabka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip