
Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay la macaamilka khawaarijta
Wasiiradda ayaa hambalyo u diray dhamaan geesiyaasha qaranka ee furimaha dagaalka ka soo hooyey guullaha, iyagoo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey garab istaagga ay u muujiyeen ciidanka qaranka.
Wasiiradda ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda hadafka koowaad u yahay la dagaalanka khawaariju,iyadoo intii dagaalku socday dhamaan lagu jabiyey furimaha dagaalka kooxda khawaarijta.
Sidoo kale wasiiradda ayaa soo bandhigay in kooxaha Khawaarijta looga adkaaday dagaalka maaliyadda,dagaalka warbaahinta ,dagaalka fikirka iyo furimaha dagaalkaba.
Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Cabdulaahi Fartaag oo ka hadlay shirka araa’id ayaa digniin u diray dadka lacagaha maalgalinta ah siiya Kooxaha argagixisada Sidoo kale wasiirka Amniga XFS ayaa shaaca ka qaaday in ay ka taageerayaan shacabka Puntland la dagaalanka kooxda khawaarijta.
Wasiirka Amniga XFS ayaa isticmaalay inta uu ku guday shirka Jaraa’id odhaah xigmad xambaarsan oo aheyd Maalkaada haku dilin Naftaada, isaga dhanka kale sheegay in laga xiray koontooyinki ay lacagta dhigan jireen khawaarijtu, haya’addaha amnigana ay u taagan yihiin jid kasta qof kasta oo isku dayo in uu la shaqeeyo khawaarijtu”
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Muqtaar Roobow ayaa isaguna dhankiisa adkeeyey in aan marnaba la aqbalayn in cid bixiso dhaqaale lagu haligayo shacabka Soomaaliyeed
"Meelaha ay dowladdu ka taliso sida Suuqa Bakaaraha qiil uma heli doonaan in ay yiraahdaan baad ayaa nagala rabaa.”ayuu yiri Wasiir Mukhtaar.
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo DalxiiskaXFS Cabdirixmaan Yuusuf Sheekh Al cadaala oo ka hadlay shirka jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen wasiiradda ka tirsan XFS ayaa sheegay in dowlada ay heyso xog dad si toos ah iyo si dadban umaalgaliya Kooxaha qawaarijta ah ee Al-shaabab iyo daacish.
Ugu dambayn wasiiradda ayaa shacabka uga digay in kooxda khawaarijta xiriir lala yeesho, iyagoo amray in qofkii ay la soo xiriiraan khawaarijtu uu la soo xiriiro laammaha amniga ee Dowladda.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ayaa guud ahaan ggobollada dalka kawada guluf weyn oo kooxaha khawaarijta looga xoraynayo goobaha ay ku dhuumanayaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay la macaamilka khawaarijta
Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga Guddaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigay guullaha laga gaaray