Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo weerar ku qaaday Khawaarijta ku sugan Koonfurta Mudug

0
Wednesday December 20, 2023 - 17:20:01 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo weerar ku qaaday Khawaarijta ku sugan Koonfurta Mudug

    Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya iyo Khawaarijta ayaa ka socda Deeganka Jeex-Jeex iyo Buurta Yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka caad iyo camaara ee dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya iyo Khawaarijta ayaa ka socda Deeganka Jeex-Jeex iyo Buurta Yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka caad iyo camaara ee dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalka waxaa qaaday Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo is kaashanaya ka dib markii ay heleen xogta maleyshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay deegaanadaas.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey cadowga walina uu socdo dagaalku.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta cadowga ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey argagaxisada caadeysatay dhibaatada shacabka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip