Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Ciidanka Booliiska ugu hambaliyeeyay Sanad-guurada 80-aad ee aasaaskooda.

0
Wednesday December 20, 2023 - 17:13:28 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Ciidanka Booliiska ugu hambaliyeeyay Sanad-guurada 80-aad ee aasaaskooda.

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta oo Arbaca ah, hambalyo ku aaddan sannad-guurada 80-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliska u diray Saraakiisha iyo Ciidammada Booliska Qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta oo Arbaca ah, hambalyo ku aaddan sannad-guurada 80-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliska u diray Saraakiisha iyo Ciidammada Booliska Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa yiri: "Waxa sharaf ii ah in aan hambalyo u diro dhammaan Saraakiisha iyo Ciidanka Booliska Qaranka oo ku aadan sannad-guurada 80-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Qaranku waxa uu aad uga mahad-naqay heerka uu gaadhsiisan yahay horumarka baaxadda leh ee uu Boolisku ku tallaabsaday iyo dedaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen rag iyo dumarba.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu mahad-naqay dedaalka hagar la’aanta ah ee ay ugu jiraan u adeegidda muwaadinka iyo ilaalinta ammaankiisa iyo hantidiisaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip