Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo dar-dargelinaya dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

0
Thursday August 31, 2023 - 20:26:48 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo dar-dargelinaya dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

    Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo uu weheliyo wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle, Muuse Salaad wehliye iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta, si ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo uu weheliyo wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle, Muuse Salaad wehliye iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta, si ay u dhiiri geliyaan Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka.

Guddoomiye Sufuroow ayaa markii uu gaaray deegaanka Oya-Mago oo ka tirsan gobolkan Hiiraan waxuu dhiirra gelin u sameeyay Ciidanka Xoogga iyo Kuwa deegaanka, waxuuna ku amaanay sida ay casharka ugu dhigeen Argagixisada oo dhawaan isku dayay in weerar dhuumaalaysi ah ku qaadaan deegaankaasi Oya-Mago.

Guddoomiyaha ayaa ballan qaaday in taageerada maamulka Gobolka Hiiraan ay joogto ahaan doonto, ciidanka dib u xoreynta deegaankana ay u diyaar garoobaan qabashada deegaannada kale ee ay ku dhuumanayaan Khawaarijta.

Deegaannada uu booqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow waxaa kamida Libileey, Oyomago, iyo Qandoolyaay oo dhamaantood katirsan Gobolkan Hiiraan

  • Guddoomiyaha gobolla Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow, ayaa wada isu-duba ridka iyo dhiirragelinta Ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka si loo bilaabo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip