Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay saraakiil katirsan ciidanka Xds oo dalka Qatar ku qaadanaya tababar
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tababar uu uga socdo dalka Qatar.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Ciidamadan rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqdaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar doorkan kuu aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka, Barriga iyo Badda.
Ciidanka Xds ayaa guullo waaweyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxa khawaarijta oo ka socda deegaanada kooxahani ka dhigteen gaboodka.