Ciidanka Boliiska oo ku howlan xaqiijinta amniga ee xilligga Ramadaanka

0
Friday March 24, 2023 - 20:31:54 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Boliiska oo ku howlan xaqiijinta amniga ee xilligga Ramadaanka

    War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay howlgallada ciidan ee ka socda Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka ee ay maamulaan dowlad goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay howlgallada ciidan ee ka socda Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka ee ay maamulaan dowlad goboleedyada.

Sarkaal u hadlay ciidanka Boliiska ayaa sheegay in howlgalkaan oo socon doona mudada lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan,wuxuuna intaa raaciyay in ujeedadu tahay Xaqiijinta amniga bulshada iyo in laga hortago falalka kooxha hubeysan ee argagixisada Al-Shabaab.

Habeenimadii xalay Ciidanka Boliiska ayaa ka hortagay dhagarqabe isku dayey in uu waxyeello gaarsiiyo dad shacab ah oo doonaayey in ay ku dukadaan masjid ku yiillay degmada Hodam.,,waxaana meydkii ninkaasi iyo hubkii uu watay la wareegay ciidamadda.

Dhanka kale, howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa looga hortagay kooxo khawaarij ah oo doonayay in ay waxyeello gaarsiiyaan dadka beeraleey ah oo ku sugnaa duleedka Degmada Afgooye,inkastoo kooxahaasi ay ka carareen halkaasi.

Sarkaal u hadlay ciidanka Boliiska ayaa qiray in gacanta lagu hayaan askarigii falal xadgudub ah ku sameeyay muwaadiniin ku sugnaa isgoyska Soobbe,wuxuuna askarigaasi wajihi doonaa cadaaladda ,ayuu yiro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip