La taliyaha amniga Madaxweynaha JFS oo furay shir looga hadlayo cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

0
Tuesday March 21, 2023 - 18:06:46 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La taliyaha amniga Madaxweynaha JFS oo furay shir looga hadlayo cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

    Lataliyaha amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane, Xuseen Macalin ayaa furay shirka sannad laha ee maareynta hubka iyo rasaasta oo sannadkaan looga hadlayo halka uu marayo qorshaha qaadista Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lataliyaha amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane, Xuseen Macalin ayaa furay shirka sannad laha ee maareynta hubka iyo rasaasta oo sannadkaan looga hadlayo halka uu marayo qorshaha qaadista Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Mudane Xuseen Macalin oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa tilmaamay iney ku han-weyn yihiin sannadkaan in Soomaaliya laga qaado cuno-qabateynta dhanka hubka ee saaraan, Dowladuna ay dadaal dheer u gashay sidii looga soo bixi lahaa sharuudaha ku xiran.

‘’Shirkan waxaa looga dan lee yahay,habkii Soomaaliya loogo qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka,maadaama dowladda sannadkaan ka dhigatey muhiimadda ugu weyn,waxaana isigu keenney dhammaan hay’addihii ku shaqada lahaa ee Dowladda Federaalka iyo dowladihii xubnaha ka ahaa DFS,waxaana lagu lafo-guri doonnaa howlaha na horyaala oo loo yaqaana bar-tilmaameedyadda ee dowladda Soomaaliyala rabo iney ka guul garata’’.

Shirka inta uu socdo ayaa waxaa looga doodi doonaa qorshe howleed sanadle ah iyo wixii ka qabsoomey shaqooyinkii lagu heshiiyey fulintooda shirkii kan ka horeeyay ee lagu qabtay magalada Muqdisho, Maarso 2022.

Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin iyo saraakiil ka socda laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer mamul-goboleed iyo marti kale oo ka kala socotey saaxiibada dowladda ka caawiya arrimaha amniga.

Waxay noqon kartaa sawirka 12 qof, dad fadhiya iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad fadhiya iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 9 qof, dad taagan iyo dad fadhiya

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo dad fadhiya

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo dad fadhiya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip