Ciidamada amniga oo howlgallo qorsheeysan xalay ka fuliyay degmada kaaraan ee gobolka Banaadir

0
Monday February 27, 2023 - 11:12:47 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada amniga oo howlgallo qorsheeysan xalay ka fuliyay degmada kaaraan ee gobolka Banaadir

    Ciidamadda Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee Duufaan iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa xalay holwgallo qorsheysan ka fuliyay xaafadaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, halkaa oo maalmihii ugu dambeysay ay fal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadda Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee Duufaan iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa xalay holwgallo qorsheysan ka fuliyay xaafadaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, halkaa oo maalmihii ugu dambeysay ay falal amni darro ka dhacayeen.

Inta uu howlgalku socday ayay ciidamada ku beegasadeen guryo lagu tuhmayay inay ku sugan yihiin Kooxo Ciyaal weero ah iyo kooxa kale oo burcad ah kuwaa oo dhibaata u geysan jiray dadka shacabka ah ee dagan degmada karaan islamarkaana ay ciidamda gacanta kusoo dhigeen.

Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir Muxudiin warbac oo howlgalka qeybka ahaa ayaa kormeeray Goobaha ay howlgallada ka socdeen, isaga oo Ciidamada ku bogaadiyay xaqiijinta amniga.

Howlgalkaan Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Duufaan iyo Ciidamada Booliska ka sameeyeen degmada Kaaraan ayaa ahaa mid salka ku hayay xaqiijinta amniga degmada oo maalmihii danbe falal amiga lidi ku ah ay ka dhacayeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip