Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kaashanaya Dadka Degaanka ayaa Lawareegay Degmada Al-kowthar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

0
Monday December 12, 2022 - 19:33:49 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kaashanaya Dadka Degaanka ayaa Lawareegay Degmada Al-kowthar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

    Degmada Alkowthar ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ahaa xarumihii ugu waaweyna ee Khawaarijta Al-shabaab ayaa waxaa goordhow si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo Xooggaga deegaanka {Macawisley}.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Alkowthar ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ahaa xarumihii ugu waaweyna ee Khawaarijta Al-shabaab ayaa waxaa goordhow si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo Xooggaga deegaanka {Macawisley}.
Taliyaha Ciidanka xoogga General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Ciidamadda ayaa xaqiijiyay qabashada Al-kowthar waxaana uu intaas ku daray in looga daba tagayo goobaha ay u carareen.

Al-kowthar waa degmadii kooxdu markii laga saaray degmada Aadan Yabaal ay isku aruursanayeen hase yeeshee waa looga daba tagay oo hadda waxaa ay ka mid tahay dhulka xorta ah ee harka dowladnimada dareemaya maanta.


degmada Alkowthar ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa Madaxweeynihi hore ee Doowladii Kmg ahayd ee Soomaaliya  Mudane Sheekh Shariif Sheekh waxuu xeer madaxweeyne degmo ugu magacaabay 23-7-2012 iyadoona faafinta rasmiga ah ee wasaaradda arimaha gudaha lagu soo saaray 31 july isla sanadkii 2012-kii






 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip