Ciidanka Xoogga Dalka oo Argagixisadda kala wareegay Degaanka Qaayib.
Ciidanka xoogga dalka oo ay wehliyaan macawislayda deegaanka ayaa goor dhaw la wareegay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaas oo degmada Baxdo koofur ka xiga ilaa 40km.
G/sare Cabdi Maxamuud Jaamac oo ka mid ah saraakiisha hawlgalka hoggaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ciidanku ay dagaal la’aan kula wareegeen Qaayib,iyadoo ciidanka ku daba joogaan haraadiga kooxaha Argagixisadda ee ku dhuumalaysanaya deegaanada ku hareeraysan.
Qaayib ahayd goob in ka badan 6-sano ay maleyshiyaadka Al-shabaab fariisin ku lahaayeen ayaa waxaa ku tiilay maxkamad beenaad ay ku xalaalaysanayeen xoolaha dadka shacabka ah ee ay dhacaan.