anaraal Biixi oo ka hadlay khasaaraha loo geystay Kooxda Nabadiidka Al-shabaab

0
Monday September 19, 2022 - 14:53:51 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    anaraal Biixi oo ka hadlay khasaaraha loo geystay Kooxda Nabadiidka Al-shabaab

    Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka jawaabay hadalkii dhagarqabe Cali Dheere, ka soo yeeray kadib dharbaaxada iyo jabka ay ciidanka xoogga iyo dadka degaanka ay u geeysteen argagixisada Al-Shab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka jawaabay hadalkii dhagarqabe Cali Dheere, ka soo yeeray kadib dharbaaxada iyo jabka ay ciidanka xoogga iyo dadka degaanka ay u geeysteen argagixisada Al-Shabaab.

Taliyaha oo la hadlay warbaabinta Qaranka aya sheegay in hadalka horjoogaha kooxda Al-Shabaab uu yahay ‘Cataaw’ ay ka keenatay guul darada argagixisada ay kala kulantay geesiyaasha ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira.

waxa uu sheegay taliyaha sidoo kale in jabka argagixisada ay hormuud u yihiin shacabka Soomaaliyeed oo muda dheer ay soo dhibayeen khawaarijta Al-shabaab,diyaarna ay u yihin in ay iska dulqadaan.

Jeneraal Biixi ayaa dhanka kale ka faah faahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee argagixisada lagu jabiyay ee ka dhacay gobolada Hiiraan iyo Galgaduud,waxa uu taliyu carabka ku dhuftay howlgalkii degaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan oo jab xooggan loogu geeysatay argagixisad ay ku arkeen arina cajiib ah.

"Aboorey waxaa ka dhacday qiso cajiib ah oo u baahan in umadda loo bandhigo, meydadkii ay Al-Shabaab deegaankaas uga carareen waxaa ku jirtay seddax nin oo madaxa ay ka goosteen, waa arrin cajiib ah, nin madaxa ka goynaya ninkii garabkiisa ka dagaalamayey, si walba oo loo dilo, laakiin saan tuhmeyno waa kuwo ayaga horjoogayaal u ahaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

J





 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip