WAFDI UU HOGAAMINAYO MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY MAGAALADA WASHINGTON EE DALKA MARAYKANKA

0
Thursday September 15, 2022 - 20:37:38 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAFDI UU HOGAAMINAYO MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY MAGAALADA WASHINGTON EE DALKA MARAYKANKA

    Washington, Sebteembar 15. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington, Sebteembar 15. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa halkaas ka bilaabaya kulammo uu la qaadanayo masuuliyiinta dalkaas iyo Hay’adaha caalamiga ah, isagoo xoogga saaraya soo bandhigidda xaaladda adag ee ay la tacalaayaan kumaannanka qoys ee ay saameysay abaartu, khatarta argagixisada iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso xasilinta dalka.


Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Gobolka.


Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

DHAMMAAD


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip