
Taliyaha Ciidanka dhulka oo gaaray deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan oo ay howlgalo ka dhan Nabadiidka Al-shabaab ay ka socdaan
Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgallo lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab, Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha qeybta 27-aad iyo saraakiil kale oo ka tirsan militeriga Soomaaliya, ayaa maanta gaaray jiida hore ee dagaalka.
Taliyaha ayaa deegaanka Teedaan oo shalay lagu laayey argagixisada Al-Shabaab, wuxuu kula kulmay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, wasiirka amniga HirShabeelle iyo xildhibaano heer federaal ah iyo saraakiisha ciidamada qaranka ee hoggaaminaya dagaalka dib u xoreynta gobolka Hiiraan.
Taliye Biixi ayaa ciidanka, saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ku bogaadiyey inay sii wadaan baacsiga argagixisada, isagoo dhiira-gelin u sameeyey ciidanka qaranka, fariin adagna u diray argagixisada dhibaateyneysa dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada fog ee gobolka Hiiraan.


0 

Taliyaha Ciidanka dhulka oo gaaray deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan oo ay howlgalo ka dhan Nabadiidka Al-shabaab ay ka socdaan
Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgallo lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab, Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha qeybta 27-aad iyo saraakiil kale oo ka tirsan militeriga Soomaaliya, ayaa maanta gaar