Ciidanka Danab oo fashiliyay qaraxyo Nabadiidku Al-shabaab ay doonayeen iney ku dhibaateeyaan shacabka.

0
Sunday August 14, 2022 - 14:46:56 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Danab oo fashiliyay qaraxyo Nabadiidku Al-shabaab ay doonayeen iney ku dhibaateeyaan shacabka.

    Ciidamada Kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 5-aad, guutada 16-aad ayaa waxay howlgalo miino baariis ah ka sameeyeen deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 5-aad, guutada 16-aad ayaa waxay howlgalo miino baariis ah ka sameeyeen deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa sidii waddooyinka  ay isticmaalaan shacabka looga nadiifin lahaa miinooyinka ay argagixisadu ku aaseen si ay ugu dhibaateeyaan shacabka socotada ah.



Howlgalkan oo si gaar ah looga fuliyay waddada u dhaxeeysa magaalada Kismaayo iyo degaanka Buulo-xaaji, halkaas oo todobaadkii hore nabad-diidka Al-Shabaab ay ku qarxiyeen 8-gaari oo ay saarnaayeen dad shacab ah , kaaso oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Intii uu howlgalka socday, ciidanka ayaa qarxiyay 7-miino oo dhagar qabayaasha waddada dhinaceeda ku diyaariyeen si waxyeelo uga saarto shacabka maraya waddadaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip