MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB GALAY FURITAANKA MADASHA GANACSIGA SOOMAALIYA IYO UGANDA

0
Wednesday August 10, 2022 - 23:02:33 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB GALAY FURITAANKA MADASHA GANACSIGA SOOMAALIYA IYO UGANDA

    Kampala, Ogoosto 10, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kampala, Ogoosto 10, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa'iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha laga dhaxlay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Uganda sanadkii 2016-kii, oo horseeday in uu kobco isdhaafsiga dhaqaale ee labada dal, fududeynta socdaalka iyo duulimaadyada tooska ah, mataaneynta Jaamacadaha, iskaashiga xiriirka diblumaasiyadeed iyo amni, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda marti-gelinta madashan.

Furitaanka Shirkan oo ay wadajir u guddoomiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, ayaa ganacsatada labada dal waxa ay ka arrinsadeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.


Inta lagu guda jiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda, Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid ayaa heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale la saxiixday dhiggiisa dalka Uganda Mudane Mwebesa Francis, halka Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Asad Yusuf iyo dhiggiisa Uganda Mudane Rwakakamba Morrison iyo Rugaha Ganacsi ee labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo kale oo ku saabsan fududeynta ganacsiga iyo isweydaarsiga khibradaha.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa faray Wasiirrada Labada dal in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxa Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, sidoo kalena ay ku sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaro hirgelintooda, loona sahamiyo dhinacyo kale oo Labada dal ay iska kaashan karaan.

Furitaanka Madashan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.
DHAMMAAD


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip