Ku dhawaad 10 horjooge oo ka tirsanaa Nabadiidka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday Hiiraan
Ku dhawaad 10 katirsan maleeshiyada argagexesada Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeeymo diyaaaradeed oo duhurnimadii maanta ka dhacay Deegaanada kala ah coomaad,buurta gaalfuul iyo godhurwaay .oo ay fariisamo kulahaayeen maleeshiyadku.
Duqeeynta koowaad ayaa lala beegsaday gaari ay saarnayeen horjoogayaal sar-sare oo ka tirsan argagexesada alshabaab, oo xiliga ay duqeeyntu dhaceeysay ku sugnaa deegaanka coomaad.
Duqeynta dhinaca cirka ah ayaa gabi ahaanba lagu burburayay gaarigii ay saarnaayeen horjoogayaasha ka tirsan kooxda Nabadiidka Al-shabaabm
Duqeeynta labaad ayaa lala beegsaday buurta gaarfuul iyo goddhurwaay oo saldhig weeyn u ahayd maleeshiyada argagexesada ah, waxaana gabi ahaan dhulka lala simay Xarumihii ay kasoo abaabuli jireen dhagarta ay u maleegaan shacabka.
Dhamaan deeganada maanta ay diyaaradaha ay ka geeysteen duqeeymaha ayaa ah deegaano hoos yimaado degmada Matabaan ee gobalka hiiraan.
Gudoomiye kuxigeenka amniga ee degmada Matabaan , Ducaale Aadan cabdi ayaa ayaa Idaacadda Ciidanka Qalabka sida u xaqiiyay in deeganada duqeymuhu ka dhaceen ay ku sugnaayeen
Maleeshiyada argagexesada Al-shabaab lagu gaarsiiya qaasro xoogan ,isagoona sii hadlayaay ayuu sheegay in madaxsare oo katirsan argagexesada alshabaab duqeeymahaas lagu dilay