NISA oo soo bandhigtay Horjooge ka tirsan Al-shabaab

0
Friday April 29, 2022 - 12:02:00 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA oo soo bandhigtay Horjooge ka tirsan Al-shabaab

    Taliska Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay mid kamid ah Horjoogeyaasha Koxda Maleeshiyaadka Alshabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq, kaasi oo Maleeshiyaadka Alshabaab u qaabilsanaa Weerarada Jabhad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay mid kamid ah Horjoogeyaasha Koxda Maleeshiyaadka Alshabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq, kaasi oo Maleeshiyaadka Alshabaab u qaabilsanaa Weerarada Jabhadaha iasagoona muddo 8-sano uu ka tirsanaa, wuxuuna Horjooge u ahaa koox jabhad ah oo tira ahaan uu ku sheegay 400-Askari oo dhibaateynaayey Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaana horjoogahaan uu sheegay inuu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubooyinka iyo Baay, Waxaana sidoo kale Hay'adda Nabadsugida ay soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Koxdii Maleeshiyaadka ahaa ee uu ka tirsanaa oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & 1-beekam ah. 

Ciise Cumar Deerow oo ah Horjoogaha isku soo dhiibey Ciidamada Nabdsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqey inuu fahmey dhibaatada ay shacabka u maleegayaan Kooxda Nabad-diidka ah, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhalinyarada la marin-habaabiyey oo la qaldey loona sheegey Fikir xagjirnimo ah ay wada Fahmeen oo ay go’aansadeen inay dib ula mid noqdaan Shacabkooda. 


Horjooge Ciise Cumar ayaa sheegey in Maleeshiyaadka lagu akhriyo fikir ah in Gobolada Koonfur Galbded keliya ay go'doomiyaan oo Bulshada ay ku dhibaateeyaan taasina uu ku tilmaamey inay aheyd Fikir xagjir ah oo qaldan, wuxuuna ugu baaqey inay dib ula midoobaan shacabkooda oo fikirka qaldan ay kasoo baxaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip