Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Nabadiidka Al-shabaab

0
Tuesday April 19, 2022 - 15:24:51 in Wararka by
  • Visits: 502
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Nabadiidka Al-shabaab

    Dhagarqabe ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay howlgallo qorsheysan oo ururka 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen degaano u dhow deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhagarqabe ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay howlgallo qorsheysan oo ururka 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen degaano u dhow deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Abaanduulaha ururka 84-aad ee guutada 14-ka October labo xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo howlgalka hogaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dhagarqabaha ay gacanta ku soo dhigeen uu argagixisada u qaabilsanaa qeybta sahanka, sidoo kalena ay kuwadaan baaritaano dheeraad ah.



Ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale burburiyay maxkamad beenaadyo ay argagixisadu si dhuumaaleysi ah ugu baadi jireen shacabka ku nool tuulooyinka ay tageen ee gobolka Shabeellada Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip