Ciidanka Xoogga oo maanta u dabbaaldegay sanadguuradii 62-aad

0
Tuesday April 12, 2022 - 11:14:27 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga oo maanta u dabbaaldegay sanadguuradii 62-aad

    12-ka April waa maalin weyn oo ka mid ah maalmaha qaran ee shacbiga Soomaaliyeed ay u dabbaaldegaan xuska maalinta ciidanka xoogga oo ah munaasabad lagu soo bandhigo taariikhda iyo raadadkii dhaxalka ahaa ee ay ka tageen dadkii iyo kooxihii u soo hal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

12-ka April waa maalin weyn oo ka mid ah maalmaha qaran ee shacbiga Soomaaliyeed ay u dabbaaldegaan xuska maalinta ciidanka xoogga oo ah munaasabad lagu soo bandhigo taariikhda iyo raadadkii dhaxalka ahaa ee ay ka tageen dadkii iyo kooxihii u soo halgamay midnimada iyo difaaca dalka.

Inkastoo xuska sanadkaan uu u muuqda mid ku soo beegmay xilli kala guur ah, haddana,ujeedka guud ee munaasabaddaan ayaa ah in la muujiyo qiimaha iyo awoodda gaarka ah ee ay leeyihiin Ciidamada Xoogga oo marna ah difaacayaasha dalka,mrna ah badbaadiyaasha shacabka.

Aasaaskii ciidanka

1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii ugu horeysay ee loo howlgalay aasaaska iyo dhismaha ciidamo habeysan oo u qalma,gaar ahaan in lagu aamino dalka iyo guud ahaan ka qeybgalka howlgalada ciidan ee qaaradda,iyo kan gobolka.

Xooga dalka waa cududda koowaad ee uu ku faano qaranka ,waana ciidan u habeysan ilaalinta nidaamka dowladnimo, iyadoo su gaar ah loogu idmaday in ay sugaan madaxbanaanida,qaranimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dhismaha ciidanka

Guud ahaa ciidanka xoogga oo mararka qaar loogu yeero ciidanka qalabka sida waa kuwo u tababaran difaaca dalka ,waxaana loo qeybiyaa ciidamada cirka,dhulka iyo badda,asal ahaanna waxay ku dhismeen dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhismaha hoggaanno badan oo loo sameeyay ciidanka ,ayaa ka mid ahaa waxyaabaha suurtagaliyay in kor loo qaado xirfadaha shaqo iyo aqoonta kale ee lagu dhisayo mooralka ciidanka.



Hoggaanada ciidanka


Ciidanka xoogga ,waxa uu leeyahay hoggaanno fara badan oo qabta shaqooyin wax ku ool ah oo looogu talagalay fududeynta adeegyada aan looga maarmin howlaha ciidanka,waxa ayna kala yihiin hoggaanadaasi:-

1-Hoggaanka Maaliyadda. 2-Hoggaanka Saadka.

3-Hoggaanka Tababarada. 4-Hoggaanka Dab damiska.

5-Hoggaanka Caafimaadka 6-Hoggaanka Isgaarsiinta.

7-Hoggaanka Dhismaha. 8-Hoggaanka Gaadiidka.

9-Hoggaanka Nabad-sugidda. 10- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.

11- Hoggaanka barista dembiyada. 12-Hoggaanka Ilaalinta waddooyinka iyo kuwoo kale.

Waxaa markhaati ma doonto ah in ciidamada xoogga ay ahaayeen kuwo awood badan oo xilliyadii berisamaadka ee u dhexeeyey 1964- 1977-dii soo hooyay guullo taariikhi ah, ka dib markii ay baadigoob u galeen xal u helidda dhulal ama deegaanno dhowr ah oo ka maqnaa dalka.

Illa hadda,qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadii hore ee Soomaaliya ayaa fikrad ahaan qaba in xoogga dalka oo xilli ahaa awoodda sadexaad ee qaaradda Afrika ay dabooleen baahi weyn oo loo qabay dhinacyada,1-ilaalinta xuduudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeyb-qaadashada horumarada kale ee ka socday dalka.

Xilligii soo kabashada

Waxaa xaqiiqo ah in dagaaladii sokeeye ee dhacay 1991-dii ay saameyn ku yeesheen qeybaha ciidanka,waxaana la tilmaamaa in burburkii ka hor tirada askarta Soomaaliya ay gaarayeen illaa 300 boqol oo kun oo ka diiwaangashanaa nuucyada ciidanka boliiska,kuwa mileteriga,guulwadayasha iyo asluubta.

Nasiib wanaag, labaatankii sano ee u dambeeyay waxaa lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay dhallinyaro cusub oo dhiirrigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka shaqo ee ciidanka xoogga iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

waxa haboon in xilligaan loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Xoogga waxaa marxaladdaan adage e lagu jiro la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan bulshada oo xilligaan sugaya ama u hanqal taagaya in ay gaaraan mustaqbal wanaagsan oo ifiya danahooda.

Gabagabadii anagoo ka faa’ideysaneyna xuska 62-aad ee ka soo wareegay aasaaskii ciidanka xoogga,aawadeed,waxaan dhambaal hambalyo ah hawada u marineynaa dhammaan saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda iyodableyda iyo xaasaskooda meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga waxaan u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

W/Qoray Shiroos.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip