Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Horjoogayaal ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab

0
Saturday April 02, 2022 - 13:47:14 in Wararka by
  • Visits: 371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Horjoogayaal ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab

    Howlgalkan uu hogaaminayay Taliyaha Hay,adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed islamarkaana lagu Bacsanayay Maleeshiyaadka Arxanka daran ee Argigixisada Al-shabaab , ayey si wadajir ah uga sameeyeen Ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka qarank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkan uu hogaaminayay Taliyaha Hay,adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed islamarkaana lagu Bacsanayay Maleeshiyaadka Arxanka daran ee Argigixisada Al-shabaab , ayey si wadajir ah uga sameeyeen Ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka , iyo Ciidanka Sirdoonka KGS deegaanada Goofgaduud ,Shabeelow , Abdurug, Buultuugar, Aweys emed , Safriya iyo deegaanka Aliyow Muumin oo dhamaantood wada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Intii uu socday howlgalkan waxaa gacanta lagu soo dhigay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab, sidoo kalena waxaa ay Ciidanka Sirdoonka qaranku ay maleeshiyada ka furteed , dad maxaabiis ah oo kooxda u xirnaa.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa sidii kooxda Nabadiidka Al-shabaab looga sifeyn lahaa deegaanada maamulka KGS ,iyo in laga hortago dhibaatada ay maleeshiyadu ku hayaan shacabaka Soomaaliyeed.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa dad deegaanada Goofgaduud iyo Shabeelow kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan Ciidanka si looga dulqaado cadowga si loo bad baadiyo hantiga dadka shacabka ah.

Taliska Hay,adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa mudooyinkaan wado Howlgalo lagu Xaqiijinayo Amniga Magaalada Baydhabo Howlgalkan Bilowga Bisha Ramadaan ay Sameeyeen Ciidanka Nabad sugida ee lagu Guulaystay ayaa ah ka Hortaga Dhagarta Argigixisada oo Bisha Ramadaan ay umaleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip