Madaxweynaha dowladda Sri Lanka oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah

0
Saturday April 02, 2022 - 13:46:38 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha dowladda Sri Lanka oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah

    Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, ka dib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay qalalaasihii dhaqaale ee ugu xumaa oo dalkaasi soo mara tobankii sano ee la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, ka dib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay qalalaasihii dhaqaale ee ugu xumaa oo dalkaasi soo mara tobankii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweeyne Rajapaksa, ayaa go’aankan ku sheegay inuu u qaatay danaha guud ee amniga dalka, ilaalinta nidaamka iyo ilaalinta agabka iyo adeegyada aasaasiga ah.

Sida ay baahisay Warbaahinta gudaha dalkaasi ka hawl gasho 54 qof ayaa loo xiray rabshado Jimcihii shalay ka dhacay bannaanka guriga madaxweynaha.

Intii ay socdeen Rabshadahan ka dhashay shidaal yari, qiimaha nolosha oo sarreeya iyo koronto la’aanta, ayaa waxay waxyeello u geysteen hanti dadweyne iyo gooba lagu bixinayay adeegyo shacab.

Wasiirka caafimaadka Sri Lanka Kehelia Rambukwila, ayaa sheegtay in dibadbax ka dhacay bannaanka guriga madaxweynaha uu isu beddelay rabshad, kaddib markii dibadbaxayaashu ay dhagxaan ku weerareen xarumaha booliiska, kuwaa oo sidokale dab qabadsiiyeay Gaadiid kala duwan.

Dhanka kale, isbahaysiga 11-ka xisbi ee dalkaasi, ayaa ku booriyeen madaxweeyne Rajapaksa, inuu kala diro golaha wasiirrada uuna soo dhiso xukuumad ka kooban Xisbiyada dalka, si wax looga qabto dhibaatada taagan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip