Madaxweynihii hore ee Algeria oo geeriyooday

0
Saturday September 18, 2021 - 13:01:53 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Algeria oo geeriyooday

    Madaxweynihii hore ee dalka Aljeeriya Cabdicasiis Butefliiqa ayaa jimcihii geeriyooday isagoo da'diisu aheyd 84 sano, waxaana uu ahaa nin sariir fuul ah maadaama cudurka faaliga uu haleeley 2013.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee dalka Aljeeriya Cabdicasiis Butefliiqa ayaa jimcihii geeriyooday isagoo da'diisu aheyd 84 sano, waxaana uu ahaa nin sariir fuul ah maadaama cudurka faaliga uu haleeley 2013.
Tan iyo 2014 Butefliiqa waxaa lagu naysaasi jirey madaxweynihii mala awaalka ahaa, maadaama xilligaas markii affaraad dib loo doortay isagoo awoodin in uu ka qeybgalo xafladaha ololihiisa.

Taariikhyahnada waxay sheegeen in Cabdicasiis Botefliiqa ku dhashay magaalada Wajdah ee dalka Moroko sanadkii 1937.
Dalka Aljeeriya waxaa uu xukumayay 20 sano, bishii Abriil 2019 ayuu xukunka ka degay ka dib markii banaan baxyo maamulkiisa ka dhan ah ka dhaceen guud ahaan dalkaas.


Cabdicasiis Botefliiqa, waxaa uu kamid yahay siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka dhaca Afrikada waqooyi ee Carabta ah.
Sanadkii 1999, ayuu qabtay xukunka dalka Aljeeriya isagoo taageero ka heleya ciidanka militiriga xilli dadka reer Aljeeriya ay
dareemayaan xanuunka dagaalkii sokeeyey oo galaaftay in ka badan 150,000 oo ruux ka dib 10 sano oo dagaal socday kaas oo u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradkii hubeysanaa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip