Madaxweyne ku Xigaanka Hirshabelle oo Booqday dhaawacyada ciidankii ka qeyb galay Howlgalka Hiiraan

0
Tuesday August 03, 2021 - 17:50:15 in Wararka by
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku Xigaanka Hirshabelle oo Booqday dhaawacyada ciidankii ka qeyb galay Howlgalka Hiiraan

    Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlada Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta booqday dhaawacyada ciidamada qalabka Sida ee kusoo dhaawacmay dagaaladii Alshabab looga xureynayay deegaanada Ceel bacad iyo Coomaal oo ka kala tirsan Degmooyinka Bu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlada Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta booqday dhaawacyada ciidamada qalabka Sida ee kusoo dhaawacmay dagaaladii Alshabab looga xureynayay deegaanada Ceel bacad iyo Coomaal oo ka kala tirsan Degmooyinka Buulo burde iyo Matabaan ee Gobolka. Hiiraan.
Madaxweyne Xigeenka ayaa booqday Cusbitaalada Digfeer, Somali Sudanes, Madiino iyo Cusbitaalka Xoogga ee lagu dabiibayo ciidanka geesiyaasha ah ee u bacbac dhigay argagixisada Alshabab.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27aad, Ciidanka  iyo Maamulka Gobolka Hiiraan sida ay isaga kaashadeen ka hortaga cadowga umadda Soomaaliyeed iyo jabkii ay deegaanadaas ku gaarsiiyeen Nabad diidka.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa u duceeyay bukaanada dhaawaca ah in Ilaahay caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo dhanka kale ballan qaaday in ay sii laba laabi doonaan hawlgal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip