Ciidanka Xoogga Dalka oo Gobolka Mudug kudilay in kabadan 100-Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab.

0
Monday August 02, 2021 - 19:50:06 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka oo Gobolka Mudug kudilay in kabadan 100-Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab.

    Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Nabadsugida Galmudug howlgalo lagu baacsanayo Al-shabaab ay kawadeen degaano hoosyimaado degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kuwaasi oo ay kamidyihiin degaanka Baacadweyn, Caamara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Nabadsugida Galmudug howlgalo lagu baacsanayo Al-shabaab ay kawadeen degaano hoosyimaado degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kuwaasi oo ay kamidyihiin degaanka Baacadweyn, Caamara,Qayacad,Qodqod Wisil iyo degaano kale oo katirsan gobolkaasi mudug.

Howlgal maanta ciidanka ay kafuliyeen duleedka degaanka Qayacad ayaa waxaa khawaare xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda nabadiidka Al-shabaab.

Howlgalka oo ay ciidanka xoogga dalka duqeeymaha dhinaca cirka kataageerayeen saaxiibadooda caalamka ayaa waxaa maleeshiyaadka kooxda khawaarijta Al-shabaab looga dilay in kabadan 100 horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira iyadoo dhaawaca uu intaasi kabadanyahay sidookalana hub aad farabadan looga furtay howlgaladii ugu dambeeyay sida uu Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Soomaaliyedd Jeneraal Maxamed tahliil Biixi.

Jeneraal Biixi Taliyaha Ciidanka Dhulka Xds ayaa tilmaamay in howlgalkii kasocday aaga Qayacad lasoo afjaray islamarkaasna loo dhaqaaqidoono dhanka degmada Xarardheere iyo nawaaxigeeda si shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi kudhaqan looga dulqaado dhibaatada kooxda argagixisada Al-shabaab.

Ciidanka xoogga dalka iyo ciidmadda amaanka Galmudug ayaa howlgalada ay kawadaan gobolka Mudug jab xoogan kugaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda argagixisada Al-shabaab




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip