Dowladda oo faafaahin ka bixisay duqeyntii maanta Dhagar-qabayaasha Alshabaab lala beegsaday.

0
Sunday August 01, 2021 - 19:22:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo faafaahin ka bixisay duqeyntii maanta Dhagar-qabayaasha Alshabaab lala beegsaday.

    Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn maanta lala beegsaday Kooxda Argagixisada Al-shabaab,ciidamada Danab, SNA kuwa saaxibada Soomsaliya ayaa mar labaad duqeeyay maanta abaarahii 10:22 barqanimo inta u dhaxeysa magaalooyink

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn maanta lala beegsaday Kooxda Argagixisada Al-shabaab,ciidamada Danab, SNA kuwa saaxibada Soomsaliya ayaa mar labaad duqeeyay maanta abaarahii 10:22 barqanimo inta u dhaxeysa magaalooyinka Bacaadweyn, Cammaara iyo Wasil nawaaxigooda ee maamul-gobaleedka Galmudug.

Iyada oo duqeyntan lagu xoojinayey howlgalka Ciidanka Danab ay ka fulinayeen aaggaas, ayaysan wax dhib ah ka soo gaarin shacabka ku dhaqan deegaanka. Tan ayaa ka dhigan dharbaaxo xoogan oo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab, si meesha looga saaro falalkooda gurracan ee ay la eegtaan dadka Soomaaliyeed.

Duqeytaan ayaa lagu burburiyey dhufeysyada Al-shabaab ka sameysteen jiidda hore iyo difaacyadooda afka hore si ay ugu fududaato Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo SNA inay galaan xarumaha Alshabaab.

Howgaladaan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ku dhibaateyn karaan Bulshada Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah kuwii u dagaalamayey Al-shabaab oo aad u badan ayaa ka soo goosanaya kooxdan argagaxisada ah, maadaama ay Alshabaab la kulmayaan jab is daba-joog ah ayay xubnaha Alshabaab isu soo dhiibayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kumaandooska Danab, iyada oo lagu soo dhaweeyo si sharfan iyo gacmo furan.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa si geesinimo leh uga dagaalamaya Deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug waxayna u garabsanaayaan hawlgalkooda duqeymaha iyaga oo difaacaya shacabka Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip