Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab oo dhaawacyo kasoo gaaray awdheegle ugeeriyooday.
Xuseen ganeey ayaa wuxuu kamid ahaa horjoogayaal iyo maleeshiyaad argagixisada katirsan oo isku dayay inay weerar kusoo qaadaan degmada awdheegle ee gobolka shabeelaha hoosekuwaasi oo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ay halkaasi kugaarsiiyeen jabxoogan.
Xuseen ayaa kamid ahaa maleeshiyaadkii dhimashada iyo dhaawaca faraha badan uu halkaasi kaasoo gaaray isaga iyo horjoogayaal iyo maleeshiyaadkii kudhaawacmay awdheegle ayaa lageeyay degmada kuntu waareey ee gobolka shabeelaha hoose halkaasi oo ay kooxda isku dayday in lagu daaweeyo
Balse xuseen ganeey iyo 15 maleeshiyaad ah ayaa dhaawac soogaray aawgii u geeriyooday sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee kahowlgalaya gobolka shabeelaha hoose.
Saraakiisha ayaa intaasi kudaray in degaano kale oo katirsan shabeelaha hoose iyo jubada dhexelageeyay maleeshiyaad badan oodhaawac ah kuwaasi oo qaarkood xaaladoodu adagtahay halka kuwa kalana ay geeriyoodeen.
Balse xuseen ganeey ganeey ayaa kamid ahaa horjoogayaasha kooxda ee uxilsaaran inay been abuurka iyo marin haabinta Ummadda Soomaaliyeed.
Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab oo dhaawacyo kasoo gaaray awdheegle ugeeriyooday.
Horjooge xuseen ganeey ayaa maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab uqaabilsanaa marin haabinta Ummadda Soomaaliyeed gaarahaan wuxuu kamid horjoogayaasha dhanka warbaahinta kooxdaasi nabadiidka ah ee al-shabaab.