Cutub katirsan Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo tababar kusoo dhameeystay Turkiga oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

0
Monday March 08, 2021 - 20:59:57 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 992
  • (Rating 2.6/5 Stars) Total Votes: 7
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cutub katirsan Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo tababar kusoo dhameeystay Turkiga oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

    Cutub katirsan ururka 6-aad ee Guutada 17-aad kumaandooska xoogga dalka ee gorgor oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa dalka kusoo laabtay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cutub katirsan ururka 6-aad ee Guutada 17-aad kumaandooska xoogga dalka ee gorgor oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa dalka kusoo laabtay,

Ciidankaan oo ay keentay diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga oo nooca ciidamada cirka ayaa waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga xfs mudan xasan xuseen xaaji, Taliyaha Ciidanka dhulka  xoogga dalka Soomaaliyeed  Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha dugsiga Turksom JeneraaL Yacquub saraakiil kale oo katirsan xoogga dalka iyo turkiga soodhaweeyn kadib masuuliyiinta ayaa mid mid salaamay askarta.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka jeneraal maxamed tahliil biixi oo goobta kahadlaya ayaa sheegay in ciidankan ay kubiiridoonaan dagaalka dalka looga sifeeynayo nabadiidka al-shabaab.

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlayay ciidamada Gorgor ee dalka lagu soo celiyay ayaa uga mahadceliyay walaalaha Turkiga, waxaana uu kula dardaarmay in ciidamadan ay ka qeyb qaataan dhismaha Nabadda.

"Dhismaha ciidanka waa socdaa xuquuqdoodana waa diyaar, Soomaaliya Hanoolaato” ayuu yiri Wasiir Xasan.

"Iga guddooma salaanta Madaxweynaha waad mahadsan tihiin” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanuday Wasiirka Gaashaandhigga.

Soomaaliya ayaa helaysay tababaro ciidan oo dibedda ah, balse imaatinka ciidamadan ayaa yimid xilli dalka doorasho loogu hanweynyahay in ay ka qabsoonto.




 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip